Wasaaradda Arimaha Guddaha, Jubbaland oo maanta kismayo ku qabatay shirka wadahadalka ee arimaha u adeegida bulshada degmada Afmadoow iyo degmooyinka kale ee Dowlada Jubbaland.

111
Wasaaradda Arimaha Guddaha, Fadaraalka iyo dib u heshiisiinta Jubbaland ayaa maanta magaalo madaxda KMG ah ee Dowlada Jubbaland ku qabatay shirka wadahadalka ee arimaha u adeegida bulshada degmada Afmadoow iyo degmooyinka kale ee Dowlada Jubbaland.
Shirka oo ahaa madal furan oo dood wadaag ah ayaa heraarka kala duwan ee masuuliyiinta dowlada Jubbaland ee ka qaybgalay kulanka wax lagaga waydiiyey waxqabadkooda ku aadan adeegyada bulsho ee laga hirgaliyey degmada iyagoo sidoo kale madasha lagu soo bandhigay gaabisyada jira ee ku qotoma baahiyaha dhanka adeegyada bulshada iyo sidii xalwaara loogu heli laha mareentooda.
Kulanka ayaa waxaa Guddomiyey Wasiirka Wasaaradda Arimaha Guddaha, Fadaraalka iyo dib u heshiisiinta Jubbaland mudane Maxamed Ibraahim Oogle waxaana ka qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada, Wasiirka Wasaaradda Xanaanada, Xoolaha, dhirta iyo daaqa Jubbaland, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Wasiir ku xigeenadda Beeraha iyo Caafimaadka, Mareeyaha Wakaaladda Biyaha Jubbaland, Guddomiyaha degmada Afmadoow iyo qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka Jubbaland.