Ciidamada Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka gaar ahaan kumaandooska Danab ayaa howlgal dhowr jiho ah ku qaaday deegaanka Kaamjaroon ee gobolka Jubada hoose halkaas oo sida aan xogta ku helayno lagu laayay koox Khawaarij ah.
Jab xooggan ayaa gaaray maleeshiyaadka Argagixisada waxaana kooxda la khaarijiyay kujira horjoogayaal sar-sare iyadoo dhinaca kalana ay jireen duqeymo xooggan oo sababay in khasaarahooda uu sii bato.
Tan iyo bilowgii sanadkan Kooxaha Argagixisada gobolka Jubada hoose waxaa loogu dhigayay cashiro aan marnaba qalbiyadooda ka baxayn, in ka badan 100 horjoogana waa looga dilay Howlgalo is xigxigay oo gobolka ay wadajir uga fuliyeen geesiyaasha Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka.