
Wasiirka Wasaaradda amniga Jubbaland Yuusuf Xussien Cusmaan ayaa bogaadiyey Ciidamada Jubbaland iyo kuwa xooga dalka oo la wareegay deegaano cusub oo hoos imaada deegaanka Buula-Haaji ee galbeedka magaalada Kismayo oo dhawaan la wareegen ciidanka.
Deegaanka cusub ee ciidanka la wareegeen ayaa lagu magacaaba Fil File oo 25-km u jira Buula Haaji deegaankaan ayaa ah deegaan istaraatiijiya oo tobankii sanno ee la soo dhaafay ay maamulayeen khawaarijta sida uu Radio Kismayo horaan ugu sheeegay Gaashale sarre Cabdikaafi Dayib Taliyaha Guutadda Berjeex ee Ciidanka daraawishta Jubbaland sidookale markale uu wasiirka inoo xaqiijiyay.
Wasiir Yuusuf Xussien Osmaan Dhumaal ayaa sidoo kale ka hadlay sida loo xoojin karo howlgaladda kala duwan eek a socda dalka ee lagu xoraynaayo kooxaha argagixisada, Waxaana uu xusay in loo bahan yahay in si wadda jir ah la isaga kaashto howlgallada iyo xoraynta deegaanada ka maqan gacanta dowllada.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







