Xildhibaan Ismaaciil Cabdi Keeroow oo ka Mid Guddiga Arrimaha Bulshada ee Golaha Wakiillada Dowladda Jubbaland ayaa ka hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin Caafimaadka, Waxbarashada, Nolosha dadka barakacayaasha ah iyo ammaanka deegaanada Jubbaland.
Xillidhibaanka oo wareeysi gaar ah siiyey Radio Kismaayo Codka Jubbaland ayaa si gaara ah oga hadlay oo diirada usaarey dagaal khawaarijta lagula jiro gaar ahaan in Jubbaland ay markaan diirada saareyso sidii deegaanada ay ka joogaan looga xoreyn lahaa waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in ciidanka geesiyada Jubbaland iyo shacabka reer Jubbaland ay ka wada shaqeeyaan sugidda Amniga iyo in ay sii wadajir ah oga qayb qaataan wajiga labad ee dagaalka ka dhanka khawarijta.
Xillibaan Ismaaciil Keeroow ayaa intaasi ku daray hadalkiisa in guddiga arimaha bulshada ee Golaha Wakiilada Jubbaland ay wadaan wacyi galin ku aadan in bulshada reer Jubbaland ay ka qeyb qaataan dagaalka ka dhanka argagixisada isla markaasina ay xoha amniga la xiriira ay la wadaagaan laamaha amniga ee ku shaqada leh