Ciidamada geesiyaasha ah ee Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka ayaa wali howlgal ka wada tuulooyinka iyo dhulka howdka ah ee Dagmada Badhaadhe ee gobolka Jubada hoose.

185

Ciidamada geesiyaasha ah ee Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka gaar ahaan Ciidanka Kumaandooska Danab ayaa wali howlgal ka wada tuulooyinka iyo dhulka howdka ah ee dhanka koonfureed ka xiga deegaanka Buulo-Xaaji hoos taga degmada Badhaadhe ee gobolka Jubada hoose.
Ciidamada tagay dhul howd ah oo ay gabaad ka dhigan jireen horjoogayaasha Khawaarijta balse maalmo kahor isaga cararay, kuwaas oo sida xogaha ay sheegayaan u hayaamay deegaano kale oo ka fog aagga howlgalku uu kasocdo.
Ciidamada Nabadsugidda iyo Sirdoonka Jubbaland, Daraawiishta iyo Kumaandooska Danab ayaa dadka rayidka ah ee ay kula kulmeen tuulooyinka ku dhiirigaliyay in ay la shaqeeyaan Ciidamada islamarkaana qeyb ka noqdaan halganka lagu xoreenayo guud ahaan Jubbaland.

Ciidamada ayaa sheegay in ay tageen deegganno badan oo ay ku sugnaayeen cadowga isla markaasina ay dadka ku dhibaateynayeen, iyagoo sheegay in uu howlgalka sii socon doono oo aan la joojin doonin inta laga dabar jarayo argagixisada Al-shabaab.