Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo ka tacsiyadeeyay geerida ku timid mid kamid ah dhaqaatiirta Jubbaland laf dhabarta u ahayd bulshada

226

Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa ka tacsiyeeyey geerida ku timid Allah u naxariiste Dr, Ibraahim Maxamud Maxamed (Dr Ibraahim Indho) oo kamid ah ahaa dakhatiirta fara ku tiriska ah ee sameeya qaliinada iyo daaweynta indha guud ahaan deegaanada Jubaland isagoo kaalin weyn ugu jiray bulshada deegaanka in badan oo kamid ah bukaanada u yimaada si bilaash ah ku dabiibi jiray.
Alle ha u naxariistee Dr, Ibraahim Maxamud Maxamed (Dr Ibraahim Indho) ayaa ku geeriyooday dalka Hindiya waxaana Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ugu tacsiyeey Guud ahaan Shacabka ree Jubaland, eheladii iyo qoyskii uu keg geeriyooday, Marxuumakana.