Dhageyso:Duufaanta iyo Dabeylaha ka jira xeebaha Somaaliya oo hoos udhigey wax soo saarka Badda .

263
Untitled design - 1

Nolasha dadka kalluumaystada ah ee ku tiirsan wax soo saarka badda ayaa waxaa saameeyey duufaanta Laly oo todobaadkaan siwayn looga digaayey in ay gaysan karto khasaare naf iyo maalba leh.

Kaluumaysato gaadhaysa 1,540 qof oo ku tiirsanaa shaqooyinka badda ee Kaluumaysiga ee Degmada Kismayo ayaan shaqooyinkooda aadin ilaa 14 bishaan ilaa manta bishu tahay 26may Shaqo la’aantaas ayaa Saamayn balaadhan oo dhinaca nolasha ku yeelatay dadka ka shaqeeya kaluumaysiga Sida uu Radio Kismayo u sheegay Gudoomiyaha Iskaashatooyinka Jubbaland Cabdirahmaan Maxamed Faarah.

Sidoo kale Dabaylaha iyo Duufaanta ka dhacaysa xeebaha Soomaaliya waxaa ay saamayn wayn ku yeelatay dadka ka ganacsada Kaluunka
Axmed Nuur Maxamed oo ah ganacsade ka ganacsada kuulanka ayaa sheegay in Suuqa Kiilaha Kalluunka uu manta maraayo shan ilaa lix dollar halka horay uga ahaa hal dollar iyo bar.

Maxamed Cali Muuse oo ah Khabiir dhinaca cilmiga badda ayaa sheegay in loobahan yahay in kaluumaysatada loo sameeyo meelo kaluunka lagu kaydiyo si xiliyada aan la awoodin badda la galo ay uga faa’iiidaystaan.

Kalluumaysatada degmada Kismayo ayaa shaqooyinkoodii hakad galeen taas oo saamayn ku yeelatay nolol maalmood kooda caadiga ahaa.

Duufaanta maalmahaan ka dhaceysay xeebaha gobolka Jubbada hoose iyo qaybo ka mida gobolada dalka ayaa saamayn ku yeelatay.