Dhageyso: Jubbaland oo sheegtay in ay talaabo ka qaadi doonto dadka musuq maasuqa arrimaha gargaarka.

340

Kadib kullamo maalmihii dambe usocday Wasaaradda Gar_Gaarka Maareynta iyo musiibooyinka Jubbaland iyo haayadaha ka shaqeeyo arrimaha samafalka ayaa looga Hadlay arin maalmihii dambe taagnayd taas oo ah leexsashadda arimaha gargaarka,xilli Suuqyada Kismaayo lagu arkayay gargaarka loogu tallagalay dadka danta yar oo lagu iibinayo suuqyadda Kismaayo taasoo laga saaray digniin adag cid walba oo lagu arkaana Tallaabo adag laga qaadi doono sidda lagu shaaciyay go’aano culus Oo kasoo baxay Kullanka wadajirka ay uyeesheen wasaaradda gargaarka iyo haayadaha kushaqada leh arimaha gargaarka.

Kullanka ayaa sidoo kale waxaa ku sugnaa goobta go’aanadan lagu gaaray saraakiil ka Tirsan haayadaha amaanka Jubbaland, waxaana dhawaan suuqyada Kismaayo ka bilaaban Doono hawlgal ballaaran oo lagu baadi goobayo goobaha iyo sidoo kale shaqsiyaadka ku hawlan weecinta arimaha gargaarka oo loo weeciýo dhan ganacsi

Saraakiisha amni kullamada goob joogga ahaa ayaa dhankooda soo bandhigay inay ku Daba jiraan rag la sheegay inay ku lug leeyihiin arimaha digniinta adag laga soo saaray.

Agaasimaha guud ee wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka jubbaland Mudane Aadan Faarax Gaarane ayaa shirka kadib warbaahinta ufaafahiyay go’aanka Wasaaradda& qorshaha wasaaradda ee ku aadan Waxa laga yeelayo ciddii uhogaansami weydo awaamirta wasaaradda.

Waxay tani qayb ka noqon doontaa haddii dhaqangal ay noqoto mid yarayso cabashadda kasoo yeerayso dadka danta Yar iyadoo laga duulayo nidaamka dawladnimo ee ay shacabka dugaashanayaan taas oo qayb ka ah qorshaha islaxisaabtanka iyo la Dagaalanka Musuqa waxaana suuqyadda kismaayo kasuulin doontaa in dib loogu arko gargaarka loogu tallagalay dadka danta yar ee lagu iibinayo goobaha ganacsi ee Kismaayo.