Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo dib u heshiisiinta dowladda Jubaland oo qabatay kulan looga hadlayo xal u helida dadka dowlad la’aanta ah.

205
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha fadaraalka iyo dib u hishiisiinta XFS iyo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Fadaraalka iyo dib u hishiisiinta Jubbaland Mudane Maxamed Ibaraahim Ogle ayaa maanta Magaalada Kismaayo si wadajir ah uga furay tababar oo lagu soo bandhigayay daraasadii soo gabagaboowday Dal-laawenimada, aqoon is weydaarsigan oo sare loogu qaadayay Wacyiga Masuuliyiinta Dowlad Goboleedka Jubbaland ee la xiriira Arrimaha Dal’Laawenimada.
Madasha ayaa waxaa goob joog ahaa Agaasimaha Guud ee Barnaamijka daddhigista ee Dowladda Fadaraalka Somaaliya iyo xubno ka kala socday Wasaaradaha Jubbaland.
Wasiirla Wasaaradda Arrimaha Gudaha Fadaraalka iyo Dib u hishiisiinta Jubbaland Mudane Maxamed Ibraahim Ogle ayaa Xusay inay Muhiim tahay in laga fa’ideeysto tababarkan