8-Xubnood ayaa isku soo dhiibtay ciidanka NISA ee ka howlgala deegaanada Koonfur Galbeed, xilli ay sii xoogeysanayaan howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta ee dalka ka socda.
Waxaa sii kordhaya xubnaha ka soo goosanaya argagixisada ee isku soo dhiibaya dowladda, labadii todobaad ee ugu dambeysay 25 xubnood ayey gaartay tirada dhalinyarada ka soo hartay fikirka guracan ee Khawaarijta, kuwaas oo iska soo dhiibay deegaanada K/Galbeed.