Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa safiirka dalka aan walaalaha nahay ee Türkiye Mudane Alper Aktaş uga tacsiyeeyay muwaadiniin Turki ah oo weerar gaadmo ah Khawaarijtu ku dileen iyaga oo ku jira hawlo bani’aantinnimo.
Wasiirka iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda ayaa garoonka caalamiga ah ee Aadan Cabdulle Cusmaan ku sagootiyay hawl-wadeennada dhaawaca iyo meydka u qaadayay dalka Turkiga.
Wasiirka ayaa Ilaahay uga barayay naxariistiisa janno shuhadada ku nafwaayay weerarka, caafimaad degdeg ahna ugu duceeyay dhaawaca.