Ciidanka Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdonka Qaranka ee ka howlgala deegaanada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta soo bandhigay rag badan oo ka soo goostay Khawaarijta, kuwaas oo isku soo dhiibay dowladda.
Taliska Nabad Sugidda ee magaalada Baydhaba ayaa lagu soo bandhigay ragaas oo gaaraya 10 xubnood, waxayna Khawaarijta u qaabilsanaayeen waxa ay ugu yeeraan Jabhadaha oo ah dhagarqabayaasha fuliya weerarada gaadmada ah