Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland oo magaalada Kismaayo ka bilowday xog uruurin muhiim

239
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Jubbaland ayaa magaalada Kismaayo ka bilowday xog uruurin muhiim ah, xog aruurintan ayaa tiir dhexaad u ah Document-ga Istaraatijiyadda Xallinta Khilaafaadka Jubbaland, oo gogol-xaadh u ah horumarinta nabadda, xasilloonida, iyo midnimada dowladda Jubbaland.
Xog aruurintan oo Magaalada Kismaayo ka soconayso muddo 6 Maalin ah ayaa waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin ka kala socday masuuliyiinta Degmada kismaayo, maamulka Gobolka Jubada hoose, odayaasha Dhaqanka Jubbaland, Haween, iyo arday ka socotay Jamacadaha kismaayo.
Barnaamijkan ayaa waxaa hogaaminaya Prof. Cabdinaasir Cali Cismaan, Marwo Mariam Maxamuud Aadan, Barnaamijkaan ayaa socon doonaa muddo labo bilood ah. Waxaana xog ururinta ay ka Dhici doontaa Magaalooyinka, Kismaayo, Doolow, Afmadoow, Beled-Xaawo, Dhoobleey, iyo Baardheere, iyadoo tani ay tusaale u noqon doonto dadaallada dib u heshiisiineed ee Somaaliya, Waana markii ugu Horeesay oo documenti nocaan ah laga horgeliyo Soomaaliya.
Mashruucaan waxaa Wasaaradda ka caawiyay Sanduuqa Xasillinta Soomaaliya III, Somalia Stability Fund III, oo ay maamusho Adam Smith International