Wasiirka Wasaaradda Deegaanka Iyo Isbedelka Cimiladda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Diini Xaaji Abdinuur ayaa daah-furey shir looga hadlayey dhibaatooyinka isbedelka cimilada iyo sidii xal waara looga gaari lahaa oo ay soo Qaban qabisey Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa lagu qabtay Magaalada Baydhabo.
Shirkan waxaa ka qeyb galay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbdelka Cimilada XFS agaasimayaasha qaar kamida Wasaaradaha Koonfur Galbeed, wakilo ka socdey hay’adaha samafalka, iyo xubno kale.
Waxaana shirka inta u socdey dirada lagu saarey sidii looga arinsan lahaa islamarkaana xal waara looga heli lahaa dhibaatooyinka soo noqnoqdey ee isbedelka cimilada iyo nabaad guurka arimaha deegaanka.