Ilo-wareedyo ka tirsan Milliteriga Sudan ayaa sheegay in kadib dagaal culus oo ay la galeen Ciidanka Gurmadka deg deg ah ee {Dacmu sariic} ay u suurtagashay in khaasaro kala duwan ay gaarsiiyaan.
Dagaalka ayaa imaanaya ayada oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay ugu baaqeen labada dhinac inay galaan xabbad joojin inta lagu guda jiro bisha Ramadaan, balse ma aysan u hoggaansamin inkastoo ay soo dhaweeyeen go’aanka xabbad joojinta.
Iska horimaadyo xooggan ayaa labada dhinac ku dhexmaray deegaano dhowr ah oo ka tirsan caasimadda Khartoum, iyadoo bisha Ramadaan ay gashay maalintii Saddexaad
Inta badan dagaalka ayaa socday Xarunta Telefeshinka iyo Raadiyaha dowladda ee magaalada Khartuum oo halkaas oo markii hore ay gacanta ku hayeen Ciidanka Gurmadka deg deg ah ee {Dacmu sariic}.
Telefeshinka iyo Raadiyaha dowladda ayaa hadda si ku meel gaar ah ugu shaqeeynayay Port Sudan oo ah magaalo xeebeedka Badda Cas ku taala oo ay ka howlgalaan saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka tan iyo markii ciidamada taageerada degdega ah ay qabsadeen qeybo badan oo ka mid ah caasimadda Khartuum horaantii dagaalka.
Dagaalka ka socada Suudana ayaa abuuray dhibaato iyo barakacii ugu weyn ee dalkaasi ka dhaca.