Jaaliyadda Soomaaliyeed dalka Ingiriiska oo qabtay mudaharaad ay ku diidan yihiin damaca Itoobiya,

264

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka UK oo ku hor banaan baxay safaarada Itoobiya ee dalkaas si ay uga dhiidhiyaan damaca guracan ee ay Itoobiya ku dooneyso Badda Soomaaliya.

Banaan baxan oo ahaa mid xooggan ayaa waxa soo qaban qaabisay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ka dhisan dalka Ingiriiska,iyagoo isaga kala yimid gobolada dalka si ay uga hortagaan damaca gurracan ee Itoobiya.

Kumanaan shacabka ayaa hor tegay Safaaradda Itoobiya ku leedahay London kuwaas oo muujiyey sida ay uga soo horjeedaan Xadgudubka Itoobiya