Shil diyaaradeed oo ka dhacay Ceelbarde ee gobolka Bakool

415

Ugu yaraan hal ruux ayaa ku geeriyooday,qof kalena waa uu ku dhaawacmay kadib shil diyaaradeed oo maanta abaara 11:30 ka dhacay degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool sida uu Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay Maareeyaha garoonka Ceelbarde C/fitaax Geedsane

Diyaaradda oo ka duushay Muqdisho, ayaa sidday gargaar Banii’aadano,waxaana saarnaa  afar ruux oo shaqaalaha UN-ka ah gaar ahaan qeybta WFP,Shilka Diyaaradda ayaa ka dhashay kadib markii mid ka mid ah Taayarada uu baxay  oo ka weectay  wadda ay ku orodaan diyaaradaha, iyadoona diyaaradda gashay dhismo u dhow aagga  garoonka.

Wixii war ah oo ka soo kordha halkaan isha ku ha