
Gudiga gurmadka Fatahaadaha Jubbaland oo uu hogaaminaayay gudoomiyaha gudiga ahna madaxweyne ku xigaanka labaad ee jubbaland Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud ayaa maanta howlo shaqo ku tagay deegaanada Goobweyn iyo Qaam-qaam ee waqooyiga magaalada kismaayo halkaa oo ay kusoo barakaceen kumanaan qoysas oo uu saameeyay fataahadda Webiga Jubba iyo daadadka Roobka Dayrta ah,
Degaanka Qaam-qaam saacadahii u dambeyay waxaa soo gaarey 40087 qoys kuwaas oo kasoo barakacey degmada Jamaame iyo nawaaxigeeda.
Guddiga gurmadka ayaa u kuur galay xaaladaha ay ku sugan yihiin dadka barakacayaasha ah ee dib u dejinta loogu sameeyay deegaanada Qaam-qaam iyo Goobweyn, waxayna warbixino ka dhageysteen gudoomiye yaasha deeganadaasi,


![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







