Masuuliyiin uu Hoggaaminayey Xisaabiyaha guud ee Qaranka ayaa maanta soo gaaray magaalada Kismaayo

480
Masuuliyiin uu Hoggaaminayey Xisaabiyaha guud ee Qaranka ayaa maanta soo gaaray magaalada Kismaayo ee caasimadda ku meel gaarka ah ee Dowladda Jubbaland.
Wafdigan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdulle Xasan kusoo dhoweeyry Xisaabiyaha guud ee Dowladda Jubbaland, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Jubbaland, Maxamuud Cabdi Axmed, qaar kamid ah Agaasime waaxeedyada Wasaaradda iyo masuuliyiin kale oo ka socday Wasaaradda.