Kusimaha Madaxweynaha Jubbaland ahna Madaxweyne ku xigeenka 2-aad Suldaan Cabdiqaadir Xaaji Maxaamuud ayaa shir guddoomiyey kulanka asbuuclaha ah ee golaha Wasiiradda Jubbaland.
Ugu horeyn Kusimaha Madaxweynaha ayaa golaha warbixin ka siiyey arrimaha siyaasadda iyo amniga, wuxuuna sheegay in Jubbaland u diyaargarowday ka qayb qaadashada wejiga labaad ee dagaalka ciribtirka khawaarijta.
Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta dhaqaalaha Dowladda Jubbaland ayaa soo bandhigtay miisaaniyadda sannadka 2024 oo ka kooban $49, 578,953.81.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta dhaqaalaha Dowladda Jubbaland Axmed Cabdirisaaq Maxamed Handal ayaa faah faahin ka bixiyey miisaaniyadda iyo qaabka ay u qorsheeyeen, wuxuuna golaha ka codsaday inay ansixiyaan.
Golaha Wasiiradda ayaa akhrin kadib cod gacantaag ah ku ansixiyey miisaaniyadda sanadka 2024 ee ay golaha hor-keentay wasaaradda maaliyadda.
Wasaaradda Warfaafinta, Dalxiiska iyo Hanuuninta dadweynaha Jubbaland ayaa usoo jeedisay golaha wasiirada in ay xoogga saaraan la dagalanka Khawaariijta iyadoo la xoojinayo wacyigelinta bulshada.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dalxiiska iyo Hanuuninta dadweynaha Jubbaland Cabdifataax Maxamed Mukhtaar ayaa golaha ka codsaday inay wasaaradda kala shaqeeyaan dhinaca wacyigelinta oo ay qayb ka tahay in mashaariicda Wasaaraduhu fuliyaan qaybaha wacyigelinta lasoo marsiiyo Wasaaradda Warfaafinta.