Taliska Ciidanka Xoogga Oo Shaaciyay in La Soo Afjaray Maleyshiyaadkii Khawaariijta Ku Sugnaa Ciid Ciidka

0
774

Wararka naga soo gaaraya Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in ugu dambeyn lasoo afjaray xubnihii Maleyshiyaadkii Khawaariijta Al-Shabaab ee ku sugnaa dhulka hawdka ah ee u dhexeeya deegaanada Ciid Ciidka iyo Cali Fooldheere oo hoosataga degmada Mahadaay ee gobolkaasi.

 

Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ayaa la wareegay godad Maleyshiyaadkii Khawaariijta Al-Shabaab ay ka qoteen halkaas iyo xarumo kale oo ku yaalla dhulka hawdka ah ee howlgallada laga sameeyay.