– Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Jibriil Cabdirashid Haaji, ayaa isaga iyo wefti uu hoggaaminayo oo ku sugan dalka Turkiga, wuxu magaalada Istanbul kaga qeybgalay Shirka Madasha Ganacsiga ee Turkiga iyo Afrika.
Shirkan oo sanadle ah, ayaa hal ku dheggiisa sanadkan, wuxu ahaa darsidda caqabadaha iyo dabool ka qaadista fursadaha ganacsi iyo maalgashi ee u dhaxeeya labada dhinac, waxaana khudbad dheer oo taariikhi ah oo uu halkaas ka jeediyey Wasiir Jibril uu kaga hadlay xoojinta wada shaqeynta dhinacyada si loo dhiso iskaashi xoogan oo u dhaxeeya Turkey ga iyo Afrika gaar ahaan Soomaaliya.