Booliiska Mareykanka oo 27 sano kaddib qof u xiray Dilkii loo geystay Heesaagii Caanka ahaa ee Tupac Shakur.

389

Booliiska Dalka Mareykanka ayaa xabsiga dhigay Nin ku eedeysan in uu toogtay Heesaagii caanka ku ahaa dhanka Raabka ee Tupac Shakur oo dilkiisa uu dhacay 13kii September sanadkii 1996dii oo tan iyo waqtigaas waxaa socday baarista kiiskaan.

Sarkaal katirsan Booliiska Las Vegas ayaa sheegay in ninkaan la hayo uu xiligaas rasaas riday balse ma sheegin in uu si toos ah u toogtay fannaankaas oo waqtigaas si xamaad sare ah u qabsaday dhalinyarada inta badan suugaantiisa jecleyd.

Xeerbeegtida Neva ayaa Duane ‘Keffe D’ Davis oo 60 jir ah ku soo oogay kiis hal dambi oo dil ah oo loo adeegsaday hubka wax dila laakiin ma bixin faah-faahin intaas dheer oo waxaa loo daayay in lagu ogaado baarista socota.

Davis waxaa laga soo qabtay meel u dhow Gurigiisa oo ku yaalla Las Vegas Jimcihii 29ka September 2023 inkasta oo uu tuhun badan jiray muddo dheer si loo ogaado cidda ka dambeysa Dilkaas sida hadalka loo dhigay.

Maalm kooban gudahood ayaa lagu wadaa in Maxkamad lagu soo taago Ninkaan si loo baaro kiiskiisa looguna qaado haddii kiiskaan lagu caddeeyo loogu ciqaabo sida ay sheegeen qaar kamid ah xubnaha kiiska gacanta ku haya.