Magaalo Madaxda Dowlad gobolleedka Galmudug ee Dhuusamarreb ayaa maanta lagu soo bandhigay dhallinyaro deegaanka ah oo u diyaar garoobay in ay qayb ka noqdaan hawlgalka Deegaanada Galmudug meelaha Khawaarijtu kaga sugan tahay dib loogu xoraynayo.
Dhalinyaraddan ayaa maanta sameeyey dhoolatus Ciidan iyagoo ku Gashaamaan Gadiid dagaal iyo qaybaha kale hubka oo ka kooban Saannado kala duwan.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa la filayaa inuu Gaaro magaalada Dhuusamarreeb halkaas oo uu kaga dhawaaqayo dhamaystirka Hawlgalka dalka looga xoraynayo wejigaiisa koowaad.