Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska dowladda Jubaland Mudane Saleebaan Maxamed Maxamuud, ayaa soo xiray tababar u soconayay muddo seddex maalmood ah gabdhaha saxaafadda ku jira ee dowladda goboleedka Jubbaland,
Tababarkan, oo lagu baranayay sidii gabdhaha saxaafada ku jira kaalin ugu yeelan lahaayeen maamulidda warbaahinta dalka, ayaa waxaa ka qeyb galay 30 suxufiyiin dumar ah oo ka kala socday qeybaha kala duwan ee Warbaahinta Jubbaland.
Wasiirka Warfaafinta,
Dhaqanka iyo Dalxiiska dowladda Jubaland Mudane Saleebaan Maxamed Maxamuud ayaa sheegay in ay iska kaashadeen qabsoomidda tababarkan Wasaaradaha Warfaafinta heer Federaalka Iyo Heer Dowlad Goboleed, ujeedkiisuna ahaa sidii gabdhaha saxaafadda ku jira aqoontooda kor loogu qaadi lahaa,
Agaasimaha xiriirka Dowlad Goboleedyada wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska dowladda Federaalka, mudane Cabdiraxmaan Axmed Xuseen oo ka hadlay madasha xiritaanka ayaa ugu mahad celiyay Wasaaradda Warfaafinta Jubaland sida wacan ee ay u soo dhoweeyeen, uguna shaqeeyeen isku keenida gabdhaha suxufiyiinta ah ee ka kala yimid deegaanada Jubaland si ay uga faa’iidaystaan tababarka,
Cabdiraxmaan Maxamed Aadam (Koronto) La-taliyaha Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, oo ka mid ahaa macalimiintii tababarka, ayaa u kula dardaarmay hablihii ka qeyb galay dhaqan galinta wixii ay ka faa’iideen aqoon iswaydaarsiga, iyo u istaagidda muujinta xirfadda iyo horumarka gabadhaha saxaafadda ku jira ee deegaanada Jubbaland,
Tababarkan oo ah kii seddexaad oo nuuciisa ah waxaa uu qeyb yahay tababarro wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee heer federal ay ugu talo gashay gabdhaha Suxufiyiinta ah si kor loogu qaado doorkooda ka qeyb galka maamulka hay’adaha Warbaahinta dowliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay.