Wasaarada Waxbarashada Jubbaland oo dhagax dhigtay 3 Fasal oo lagu kordhinayo iskuulka degmada Doolow.

571
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee Jubbaland Axmad Naaji Xaaji Cabdullhi oo ay weheliyaan Wasiir kuxigeeenka Wasaaradda Waxbarashada mudane Mukhtaar Kaamil iyo masuuliyiin kale ayaa si wada jir u dhagax dhigay 3 Fasal oo lagu kordhinayo iskuulka degmada Doolow.
Wasiir Axmad Naaji Xaaji Cabdullhi  ayaa sheegay in wasaarada waxbarashada Jubbaland ay ka go’an tahay ka jawaabida baahiyaha dhinaca waxbarashada ee ka jira dhammaan deegaanada Jubbaland si loo helo adeeg waxbarasho oo dhamays tiran .