Muxuu kala hadlay Madaxweyne Axmed Madoowe Sarakiisha Howlgalka AFRICOM, ATMIS

470
Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Magaalada Kismaayo ku qaabilay Taliyaha Howlgalka Maraykanka ee AFRICOM General Michael E. Langley oo booqasho ku yimid Jubaland.
Kullan gaar ah oo ay yeesheen Sarakiisha Howlgalka AFRICOM, ATMIS, Sarakiisha Hay’adaha amniga Jubaland iyo Ciidamada xooga dalka oo uu Gudoomiyay Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa lagaga hadlay xaalada guud ee Amniga iyo bilowga wajiga labaad ee howlgalka dalka lagaga xoraynayo kooxaha Argagixisada ah.
Madaxweynaha ayaa usheegay Sarakiisha Howlgalka AFRICOM, ATMIS inay Jubbaland kala qayb qaataan howlgalka xoreynta deegaanada maqan ee ay gacanta ku hayaan nabad diidka Alshabaab si dowladnimada loo gaarsiiyo dadka reer Jubbaland ee nool deeganada ay shabaabku joogaan
Waxaa uu dhinaca kale madaxweynuhu xusey in talaabadii koobaad ay Jubbaland u qaaday howlgalka wajiga labaad ee la dagaalanka khawaarijta iyada oo deegaano dhowr ah ay gacanta ku dhigeen ciidanka Daraawiishta Jubbaland iyo kuwa xooga dalka oo is garabsanaya waxaana kamid ah deegaanada shabaabka laga qabsadey Janaay-Cabdalla oo marin muhiima ah  u ahaa Khawaarijta .
Sarakiisha Howlgalka AFRICOM, ATMIS ayaa dhinacooda balan qaaday in Jubbaland ay lasii xoojin doonaan wada shaqayntii ka dhaxaysay.