Reysal Wasaare Kuxigeenka Dalka Saalax Axmed Jaamac Oo Kismaayo Kusoo Wajahan& Wafdi Horudhac U Ah Oo Kismaayo Soo Gaaray.

479

Magaalada Kismaayo Ee Xarunta KMG Jubbaland Waxaa 6da Bishaan June Ka Furmayo Shir Looga Hadlayo Arimaha Baniโ€™aadannimada kaas Oo Ka Qayb Galayaan Xubno Ka Socda Wakiilada Beesha Caalamka, Dowlad Goboleedyada Dalka& dawladda Soomaaliya.

 

Shirkaan Ayaa Diiradda Lagu Saarayaa Arimo La Xirriira Hawlaha Gargaar Ee Dalka Iyo ka Hortagidda Musiibooyinka Soo Lalaabta Kaas Oo Ay Iska Xog Wareysan Doonaan Dhinacyadda Ay Quseyso Arimahan.

Wakiilada Beesha Caalamka Ayaa Dhankooda Shirka Kusoo Bandhiggi Doono Qorshayaal Looga Hortagayo Musiibooyinka.

 

Kullanka Ayaa waxaa siddoo Kale Kasoo Qayb Galli Doono Reysal Wasaare Kuxigeenka Dalka Saalax Axmed Jaamac Iyo Xubno Kale Oo Ka Tirsan XFS.

 

Jubbaland Ayaa Martigallin Doonto Shirka Markii Ugu Horaysay Tan Iyo markii Dhidibada Loo Taagay Hayโ€™adda Maareynta Iyo Musiibooyinka, Waxaana Ay Noqotay Dowlad Goboleedkii ugu Horeeyay Ee Kullankaan Martigalliyo.

Kismaayo Waxaa Maanta Soo Gaaray Wafdi Horudhac U Ah Reysal Wasaare Kuxigeenka Dalka Saalax Axmed Jaamac kaas Oo Lagu Waddo Inuu Maalinka Axadda Gallinka Dambe Kismaayo Soo Gaaro.