Hay’ada SWSO Ayaa Magalada Kismaayo Ku qabatey taartan dhaqameed lagu tartan sinayay xafadaha kala duwan ee magalada kismaayo
Xaflada tartanka dhaqameedka xaafadaha magalada KismaayoAyaa waxaa ka soo qaybgalay qaarb kamid ah xildhibaanada iyo wasiirada Jubbaland gudoomiye ku xigeenka degmada Kismaayo gudoomiyaha Gobolka Jubada hoose gudomiyaha arimaha bulshada ee Baarlamaanka Jubbaland gudomiyaha dhalinyarada ee degmada Kismaayo gudoomiyasha xaafadaha magalada Kismaayo iyo tageerayashada xafadaha kismaayo ee tartamayay.
lixda xaafadod ayaa kala ah Faanole ,Farjano,calanleey ,Guulwade, Shaqalaha iyo Midnimo waxaayna soo bandhigen hidaha iyo dhaqanka soomaliyed sida gabayada , buraanbur iyo Riwaayado ka tarjumayay dhaqankeeda Soomaaliyeed waxaana lagu qiimeenayay sida Ay wax u soo bandhigtay xaafad kasta .
Tartanka markuu soo idlaaday ayaa waxaa Gudiga Qiimeenta ku dhawaaqay xaafadaha kalimaha kala galay iyo sida ay ukala horeeyaan xaafada shaqaalaha ayaa keentay boqolkiiba 65, xaafada midnimo ayaa keentay boqolkiba 70, xaafada farjano aya keentay boqolkiiba 91, xaafada guulwade ayaa keentay boqolkiiba 91 ,halka xaafada calanleey ay keentay 100/100 waxaana halkas koobka kun guulaysiga tartankan ku qaaday xaafada calanleey.
Gudoomiyaha xafada Calanley Cismaan Farax Banda ayaa u hambaleyay xaafada calanleey oo kalinta hore ka gashay tartan dhaqameedkan
Halka dhammaan masuuliyiintii goob jooga ahayd ay uhambalyeeyeen xaafada calanleey oo kaalinta koobaad gashay iyo dhamaan xaafadihii kale ee tartan dhaqameedkan ka qayb galay.