Waxaa si toosa magaalada muqdisho oga hirgalay amarkii maamulka gobalka banaadir ee ahaa in (A) iyo (B) loo kala qaado moota bajaajta ka shaqaysa muqdisho waxaana maanta shaqaynaya qaybta A-da balse darawada moota bajaajta ayaa qaba inaysan wali wax is badala uusan jirin oo ciriiriga wadooyinka iyo qiimaha canshuurta ay halkeedii tahay
Darawalada moota bajaajta ayaa canshuur ahaan horaan looga qaadi jiray 15-dollar walina ma jirta qiima dhimis dhinaca canshuurta ah iyada oo qaar kamida ah mootoolayda ay sheegeen inaysan awoodin qiimaha canshuurta intaasi la eg oo ay qaali ku tahay marka loo barbar dhigo waxa soo galaya iyo ciriiriga wadooyinka ka jira arintaasi ayay cabashooyin ka muujiyeen iyaga oo markaa sheegay inaysan sidan ku shaqayn karin hadii maamulka gobalka banaadir ka dhiman qiimaha canshuurta .