Dowladda Soomaaliya oo soo saartay dignin ku socota Shirkadaha diyaaradaha

512

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa soo saartay wargelin iyo digniin ku wajahan shirkadaha Duulimaadka Soomaaliya, taasoo ku aadan in aan la aqbali doonin in la rafaadiyo dadka shacabka ah ee safarka ah.

Shirkadaha ayaa looga gay in 3 saacadood ka badan aysan dadka garoonka ku heyn karin iyo in aan shacabka la balamin karin iyadoo loo heyn diyaaradii ay raaci lahaayeen lana hubin badqabka diyaaradaas.

Arrintaan ayaa kusoo aaday iyadoo shalay dad gaaraya 50 qof ay ku dhibtoodeen garoonka diyaaradaha kadib markii ay isku dayday mid kamid ah Shirkadaha diyaaradaha in ay baaqato xili saacado badan dadkaas garoonka ku xayirnaayeen.