Ergayga gaarka ah oo ka qeyb galay kulan looga hadlayay saameynta Isbeddelka Cimilada ee dalalka colaadaha ka soo kabanaya

598

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Gurmadka Abaaraha Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa marti ku ahaa kulan doceed looga hadlayay saamaynta taban ee is-beddelka cimiladu ku leeyahay dalalka colaadaha ka soo kabanaya, kaas oo barbar socday shirka shandlaha ah ee Kulamada Gu’ga.

Kulanka oo ay qeyb ka ahaayeen Wasiirka Maaliyadda ee dalka Ghana oo madax ka ah dalalka 20-ka ah ee u nugul is-beddelka cimilada, madaxa COP28 ee dalka Imaaraadka Carabta, madaxa Bankiga Adduunka ee is-beddelka cimilada ee dalalka colaadaha ka soo kabanaya, ayaa diiradda lagu saaray xal u helidda saamaynta taban ee is-beddelka cimilada gaar ahaan dalalka diga-rogashada uga jira colaadaha.

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Gurmadka Abaaraha ayaa kulanka warbixin ka siiyey saamaynta taban ee uu is-beddelka cimilada Soomaaliya ku yeeshay iyo in ay lagama maarmaan tahay in mudnaanta koowaad la siiyo, maadaama Soomaaliya tahay dalka labaad ay ku dhacayso saamaynta ba’an ee Is-beddelka cimilada.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayaa sidoo kale adkeeyay in taageerada Soomaaliya la siinayo loo marsiiyo hay’adaha dawladda, shirkadaha ganacsiga iyo ururrada bulshada rayadka ah, lagana daayo gacmaha kale ee aan Soomaalida ahayn.