Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Oo Ka Warbixiyay Xaaladda Dalka.

628

Wasiirka warfaafinta xukuumadda federaalka Soomaaliya, Daa’uud Aweys oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa ka warbixiyay xaaladda dalka.

Daa’uud Aweys oo soo hadal qaaday dagaalka ka dhanka ah Maleyshiyaadka  Al-Shabaab ayaa sheegay in guullo waa weyn laga gaaray howlgallada haatan ka socda gobollada Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya waxay todobaadkan ku dhawaaqday in guud ahaan la cuuryaamiyay hannaankii maaliyadeed ee Khawaarijta, ayuu yiri wasiirka warfaafinta Soomaaliya

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in ciidamada dowladda ay isku soo dhiibeen xubno badan oo ay ku jiraan saraakiil ka tirsan Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

Dowladda Soomaalya waxaa isku soo dhiibay horjoogayaal Al-Shabaab ka tirsan” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiir Daa’uud Aweys.

Si kastaba, dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa dadka deegaanka ayaa haatan howlgallo culus oo ka dhan ah Maleyshiyaadka Al-Shabaab ka wada dalka, kuwaas oo guullo waa weyn laga gaaray.