Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Oo Garoowe Ku Booqday Dhaawacyadii Laga Keenay Laascaanood

463

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan (Karaash), ayaa xalay Isbitaalka Somcare ee Garoowe ku booqday qaar ka mid ah Shacabkii kusoo dhaawacmay xasuuqa Maamulka Somaliland ku hayo Bulshada magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.

Isbitaalka Somcare Garoowe waxaan caawa ku booqday qaar kamida Shacabka ku wax-yeeloobay Xasuuqa Somaliland ka wado magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Aniga oo u kuur galay xaalada Caafimaad ee bukaanada iyo wixii baahi ah ee ay qabaan, Alle SWC Caafimaad taam ah ha siiyo qaarkood waa dad waayeel iyo caruur isugu jira oo hoobiye lagu garaacay iyaga oo guryahooda jooga

Waan u mahadcelinayaa Maamulka, Dhakhaatiirta iyo Kal-kaaliyayaasha Caafimaad ee u guntaday la tacaalidda Shacabkooda xasuuqa loo geystay.” Ayuu yiri Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan (Karaash)..