Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Oo Gaaray Dalka Masar

510

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta gelinkii dambe gaaray magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar.

Guddoomiyaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Qaahira ku soo dhaweeyay danjiraha Soomaaliya ee Dalka Masar Amb. Ilyaas Sheekh Cumar iyo masuuliyiin ka tirsan Baarlamaanka dalka aan walaalaha nahay ee Masar.