Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliay,waxaana Garoonka diyaaradaha eeAdan cadde kusoo dhaweeyay Wasiirka Gaashandhigga Dowladda Soomaaliya.
Madaxweynaha Kenya Ruto oo dhawaan Xilka dalkaasi qabtay ayaa tani waxaa ay noqonaysaa Booqashadiisii ugu horreysay ee uu ku yimaado Soomaaliya tan iyo markii dhawaan loo dhaariyay Xilka Madaxweynaha dalkaasi.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale Qaabilay Madaxweynaha Kenya, waxaana William Ruto uu ka qayb galayaa shirka maanta madaxda Soomaaliya, Jabuuti, Kneya iyo Itoobiya uga furmaya Muqdisho.
Horay Waxaa Garoonka diyaaardaha ee magaalada Muqdisho kasoo degay Ra’isulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed Cali iyo madaxweynaha dalka jabuuti Cusmaaciil Cumar geelle, iyadoo munaasabad kooban oo lagu qabtay gudaha garoonka diyaaradaha uu la kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh.