Ciidamada dowladda oo la wareegay degaano horleh

548

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya dadka degaanka ayaa howlgallo xoogan waxaa ay weli ka wadaan degaano katirsan Gobolka Galgaduud, halkaas oo tobanaankii sano ee la soo dhaafay ay gacanta kuhayeen Ururka Al-Shabaab.

Ciidamada ayaa howlgal ay Maanta fuliyeen waxaa ay la wareegeen Tuulada Baraag Sheekh Caamir oo u dhaxeysa degaannada Galcad iyo Masagawaay  ee Gobolka Galgaduud kadib markii ay isaga baxeen dagaal la’aan Al-Shabaab.

Saraakiil katirsan Ciidamada dowladda ayaa Risaala u sheegay in intii ay howlgalka kujireen ay gacanta kudhigeen Sarkaalkii Al-Shabaab u qaabilsanaa Tuulada Baraag Sheekh Caamis, kaas oo lagu Magacaabo Cabdi Cali gadiid.

Saraakiishu waxaa ay sidoo kale sheegeen in xilliga la qabanayay Sarkaalka katirsan Al-Shabaab uu raashin u waday xubno katirsan Al-Shabaab, balse ay Ciidamadu qabteen

Howlgallo xoogan ayaa weli ka socda degaano katirsan Gobolka Galgaduud, iyada oo Ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka ay dhowrkii Bilood ee la soo dhaafay la wareegeen degaano dhowr ah oo ay gacanta kuhayeen Al-Shabaab.