Booliiska Jarmalka oo xiray 32 jir u dhashay Iiraan oo ku eedeysan in uu weerar qorsheeynayeen.

455

Nin u dhashay dalka Iran oo 32 jir ah ayaa lagu xiray dalka Jarmalka, kaddib markii lagu eedeeyay in uu qorsheynayay weerar loo maleynayo in  ay ka dambeyaan kooxo xagjir Islaamiyiin ah .

Ninkan ayaa qorsheynayay in uu isticmaalo waxlo sun ah oo lagu magacaabo cyanide iyo ricin si uu u sameeyo weerarka sida ay booliska North Rhine-Westphalia ku sheegeen bayaan ay soo saareen.

Waxa ay weerareen guriga uu ninkan ka degan yahay Castrop-Rauxel, ee gobolka Ruhr, balse dacwad oogayaasha ayaa sheegay in aan la helin wax sun ah.

Sidoo kale waxaa xabsiga loo taxaabay walaalkii eedaysanaha, waxaana wali xabsiga lagu sii hayaa labada qof.

Inkastoo aysan helin sun, booliisku waxay qabteen aalado Electaroonig ah oo guriga laga helay.

Dacwad oogaha sare ee Düsseldorf ayaa sheegay in xogta ninkan ku saabsan laga helay sirdoon shisheeye oo saaxiib la ah dalka Jarmalka .

“Kadib markii aan qiimeynay xogta, waxaan gaarnay gebagebadii in aan soo saarno amar baaritaan oo aan sida ugu dhaqsaha badan u fulino,” Holger Heming ayaa u sheegay wariyaasha.

Wararka ayaa sheegaya in halka lagu qabtay ninkaan ay gaareen shaqaale badan oo ah kuwa gurmadka ah oo wata dharka difaaca.

Baaritaanka ayaa wali socda, waxaana markii hore aan la ogeyn ilaa inta uu la egyahay qorshaha weerarka.

Mr Heming waxa uu sheegay in aanu qiyaasi doonin bartilmaameedka suurtagalka ah ee weerarka looga shakisan yahay iyo in booliisku ay go’aan ka gaari doonaan in ay soo saari doonaan amar qabasho rasmi ah wakhti dambe iyo in kale.

Eedaynta “fal rabshado halis ah oo halis gelinaya dawladda” ayaa lagu ciqaabaa xarig u dhexeeya lix bilood ilaa 10 sano.

Dalka Jarmalka ayaa sanadihii ugu dambeeyay waxaa ka dhacayay weeraro badan oo ay fuliyeen kooxo Islaamiyiin ah. Sannadkii 2016-kii, weerar gaari xamuul ah oo lagu qaaday suuqa Berlin ayaa waxaa ku dhintay 12 qof, waxaana ku dhaawacmay tobanaan kale.