Maxay Kawada Hadleen Guddoomiyaha Aqalka Sare Iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Jubbaland?

538

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Dawlad Goboleedka Jubbaland Mudane Abdi mohmed Abdirahman iyo Gudoonada Baarlamaanada Dawlad Goboleedyada Dalka ayaa kulan la qaatay Guddoomiyaha Aqalka Sare, ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Kulanka ayaa looga wada hadlay adkaynta xiriirka wadashaqayn ee Aqalka Sare iyo Goleyaasha Xeer-dejinta Dowlad dowlad Goboleedyada iyo in Aqalka Sare oo gudanaya waajibaadkisa dastuuriga ah uu la fududeeyo golayaasha waxyabaaha muhiimka u ah shaqooyinkooda ee uga xiran Dowladda Faderaalka.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa ku booriyay Guddoomiyayaasha in ay dardar geliyaan waajibaadka iyo howlaha shaqo ee ay u hayaan shacabka ku nool Dowlad goboleedyada ay matalaan oo ka sugaya dejinta Xeerar iyo sharciyo xoojinaya Dowladnimada.