Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen. Odowaa Yuusuf Raage ayaa galabta soo gaaray magaalada Kismaayo.
Wafdiga ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Kismaayo kusoo dhaweeyey Wasiirka Amniga Jubbaland Gen. Dhuumaal, Taliyaha qaybta 43aad ee Xoogga Dalka, Taliyaha guud ee Ciidanka Booliska Jubbaland iyo saraakiil kale.
Ujeedka safarkooda Ayaa Lagu Sheegay Dardargelinta Dagaalka Khawaarijta Waxaana Muddada Ay masuuliyiinta Kismaayo Joogaan La Kulmi doonaan Madaxda Jubbaland Sidda Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo Hogaanadda Ciidamada Jubbaland Iyo Kuwa Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyaga Oo kala Hadli Doona Siddii Deegaanada Jubbaland Looga Sifayn Lahaa Khawaarijta Al-Shabaab oo Umuuqda Kuwa Gabalkoodu Sii Dhacayo.
Jubbaland Ayaa Maalmihii Ugu Dambeeyay Waday Abaabul Dagaal Oo Ka dhan Ah Maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Dhanka Kale Warar Ay Helayso Radio kismaayo codka Jubbaland Ayaa Xaqiijinayo Inay masuuliyiintan Horudhac Uyihiin Safar uu Dhawaan Kismaayo Kusoo Gaari Doona Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud kaas oo Maalmihii dambe Socdaal kala Duwan ku kala Bixinayay Deegaanada Dowlad Goboleedyada Dalka.
Wixii War Ah Oo kusoo Kordha Halkaan Isha Ku haay.