Ciidamada Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaran oo kaashanaya ciidamada xoogga iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa ku baabashay kooxda AS deegaanka Ceeldheere oo dhaca xuduudda Gobolada Sh/dhexe iyo Hiiraan.
Duqeyn iyo ciidamada oo ka kor dagay kooxdan saldhig ay halkaas ku laheyd ayaa dilay dhammaan maleeshiyadii khawaarijta ee halkaas ku sugnaa, waxeyna sidoo kale baabi’iyeen gawaari dagaal oo halkaas taallay.
Ku dhawaad 100 xubnood oo isugu jira Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad ka tirsan khawaarijta Al-Shabaab ayaa lagu dilay howgalkaan.