magaalada kismaayo ee gobolka jubbada hoose waxaa maalmihii dambe kasoconayay kullamo looga arinsanayo deegaanada ka maqan gacanta jubbaland waxaana dawladda jubbaland ay waddaa guluf dagaal oo ka dhan ah argigixisadda alshabaab.
xildhibaan ismaaciil keerow oo kamid ah baarlamaanka jubbaland oo wareysi gaar ah siiyay radio-kismaayo codka jubbaland ayaa xaqiijiyay inay jubbaland bilaabi doonto hawlgallo ka dhan ah khawaariijta,
”waxaan ku jirnaa diyaar garoow weyn oo aan cadowga uga xoraynayo goobaha ay gacanta ku hayaan madaxweyne axmed waxaa ka go’an in la xoreeyo deegaanada ka maqan gacanta jubbaland ayuu yiri xildhibaanka”.
ciidamada jubbaland iyo kuwa xoogga dalka soomaaliyeed ayaa maalmihii dambe deegaanada dhaca galbeedka iyo waqooyiga kismaayo kawaday hawlgallo khsaaro culus lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka alshabaab.