
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Mudane Ahmad Juma Al Rumaithi.
Ra’iisul Wasaaraha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay adkeynta iskaashiga iyo xiriirka u dhaxeeya labada waddan iyo dardargelinta taageerada dhinacyada kala duwan ee ay dowladda Imaaraadku siiso Soomaaliya.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







