Tirinta codadka doorashada xilliga dhexe ee dhacday xalay ayaa ka socota guud ahaan dalka Mareykanka, waxaana natitiijooyinka doorashadan ay go’aamin doonaan xisbigii la wareegi lahaa aqlibiyadda Aqalka Senate-ka iyo Aqalka Wakiillada labada sano ee soo socota ee maamulka madaxweyne Joe Biden.
Xsibiga Jamhuuriga oo doonaya inuu xannibo ajandeyaasha madaxweyne Joe Biden hadii ay ku guuleystaan aqlibiyadda ayaa waxaa dhiirigeliyay walaaca laga qabo sicir-bararka sare iyo dembiyada.
Jamhuuriyiinta ayaa si weyn loogu saalinayaa inay soo doortaan shanta kursi ee ay u baahan yihiin si ay u hoggaamiyaan aqlibiyadda Aqalka Senate – oo hadda u kala qaybsan 50-50, iyadoo Dimuqraadiyiintu ay haystaan cod kala bax ah.
Warkii ugu farxadda badnaa ee xisbiga Dimuqraadiga ayaa ah in John Fetterman uu ku guuleystay kursigii Senate-ka ee gobolka Pennsylvania oo ay hore u heysteen Jamhuurigu, taasoo fure u ah rajada xisbiga ee ah inay sii heystaan kantaroolka Senate-ka. Wuxuu ka guuleystay Mehmet Oz oo ahaa musharaxa xisbiga Jamhuuriga.
Doorashooyinka kale ee dhinaca Senateka ee ay weli socoto tirinta codadkooda waxaa ugu xiiso badan kuwa ka dhacay Nevada, Georgia iyo Arizona.
35 kursi oo aqalka Senate ah iyo dhammaan 435 kursi ee Golaha Wakiilada ayaa doorashadoodu xalay dhacday.
Doorashooyinka 2022 ee xilliga dhexe ayaa sida uu sheegay ururka daba-galka dhaqaalaha ee OpenSecrets noqoneynaa tii ugu qaalisaneyd ebid doorashooyinka Mareyka ee heer federaal iyo heer gobol, iyada oo la saadaliyay inay ku baxeyso $16.7 bilyan.