Galmudug oo War kasoo saartay dagaalkii ka dhacay degaanka Qaayib

608

Wasaaradda Amniga dowlad Goboleedka Galmudug ayaa faah faahin ka bixisay weerar qaraxyo ku bilaawday oo saaka aroortii hore Al-Shabaab ku qaadeen degaanka Qaayib oo kamid ah degaannada hoostaga degmada Baxdo ee Gobolka Galgaduud, halkaas oo dagaal xoogan uu ku dhexmaray ciidamada Millateriga Soomaaliya & dadka degaanka oo dhinac ah & Al-Shabaab.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa waxaa lagu yiri” Saaka oo ay taariikhdu tahay 7da Nov 2022, waxa ay khawaarijtu aroortii salaadii subax weerar ismiidaamin ah  kusoo qaadeen deegaanka Qaayib ee Gobolka Galgaduud ayaga oo adeegsanaya  laba gaari oo qarax ah iyo dagaal ka fool ka fool ah.

Sidoo kale Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa sheegtay in Ciidamada Dowladda Qeybahooda kala Duwan  ee kusugnaa halkaas ay ku guulaysteen iney fashiliyaan mid kamida qaraxyadaas halka midka kale uu ku qarxay ciidamada agtooda.

“ Waxa ay ciidamada geesiyaasha ah ku guuleysteen in ay dib iska caabiyaan weerarka fulaynimada ah ee ay khawaarijta caadeysatay daadinta dhiiga ummadda soomaaliyeed ku soo qaadeen deegaanka Qaayib ayaa lagu yiri” Warsxaafadeedka.

Ugu dambeyn Wasaaradda Amniga Galmudug  ayaa sheegtay in wixii faahfaahin dheeraad ah oo kasoo baxa halkaasna ay shaacin doonto, iyada oo ugu baaqday ummadda soomaaliyeed in Al-Shabaab ay marayaan halkii ugu dambeysay ee dhamaadkooda ahayd ee aan laga daalin in ladhameystiro.