Wafdi Xildhibaanno Iyo Wasiiro Ah Oo Gaaray Maxaas

612

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya iyo Saraakiil ciidaan ayaa gaaray Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, Xili Gobolkaasi ay si xowli ah uga socdaan howlgalada ka dhanka ah AL-Shabaab.

Wafdiga Gaaray Degmada, ayaa waxaa hoggaaminaya Xildhibaano, iyadoo sidoo kalena ay qayb ka yihiin Wasiiro ka tirsan Maamul Goboleedka Hirshabeelle, kuwaasi oo halkaasi u tagay dardargalinta dagaalka ka dhanka ah dagaalamayaasha AL-Shabaab.

Mas’uuliyiinta qaybta ka ah gulufkaasi dagaal ayaa waxaa ay kala yihiin, Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Buraale Raaxeeye Xildhibaan Cabdiraxmaan Gureey Xildhibaan Cabdinaasir Xaaji Shirwac, wasiir wasaaradda wax barashada Hirshabelle Maxamed Dheere.

Sidoo kale wafdigaasi waxaa qayb ka ahaa Taliyaha ciidanka dhulka Gen.Maxamed Tahliil Biixi Taliyaha qeybta 27-Aad Gen.Tawane Axmed Maxamed Guddoomiyaha ururka dhallinyarada gobolka Hiiraan Cabdi muumin Xiish iyo masuuliyiin kale.

Wafdiga Xildhibaanada ah ee gaaray degmada Maxaas oo hadlay ayaa sheegay in ay hormuud ka noqon doonaan howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab, sidoo kalena waxaa socda qaban qaabada shirweyne la qorsheynayo in uu dhawaan ka furmo Maxaas, kaasi oo looga arrinsan doono dagaalka ka socda Gobolka Hiiraan.