Ciidamada xoreynta degaannada Koonfur Galbeed ee la Magac baxay dulmi-diid ayaa howlgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab waxaa ay saacadihii la soo dhaafay howlgallo ka dhan ah ururka Al-Shabaab ka fuliyeen degaano hoostaga degmada buurhakaba ee Gobolka Baay.
Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ayaa sheegay inay degaano dhowr ah kala wareegeen Al-Shabaab intii ay howlgalka wadeen, isla markaana ay noqon doonaan howlgallada kuwo sii socda.
Hoggaamiyeyaasha Guud ee Ciidamada degaanka ee la Magac baxay dulmi-diid ee Gobolka Baay ayaa sheegay inay u taagan yihiin inay iska difaacaan Al-Shabaab oo uu sheegay inay kusoo duuleen dadka kunool degaannada gobolka Baay.
Waxaa ay hadalkooda intaasi kudareen inay Ciidankaan yihiin kuwo halgan kula jira Al-Shabaab, iyaga oo ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud & Madaxweynaha Koonfur Galbeed in looga baahan yahay xaquuqda ay leeyihiin Ciidamadaan is abaabulay ee dagaalka kula jira Ururka Al-Shabaab si ay dhiiri gelin u helaan.
Howlgalkan Ciidamada la Magac baxay Dulmid-diid ay ka bilaabeen degaano katirsan gobolka Baay ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa kusoo aadaya xilli howlgallo lamid ah ay ka socdaan gobolada Hiiraan & Galgaduud.