Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in degaano horleh lagala wareegay Al-Shabaab

588

Warbaahinta dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamada milateriga ee Soomaaliya inay ka saareen ururka al-Shabaab, qaybo badan oo ka mid ah gobolka Shabeelaha Dhexe, taas oo ah guulihii ugu dambeeyey ee laga gaaro hawlgallada ay iska kaashanayaan dawladda Soomaaliya iyo dadka deegaanka.

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegaysa in gobolka Hiiraan oo keliya in ururka al-Shabaab laga xoreeyey illaa 40 deegaan, taas oo ay iska kaashadeen dadka deegaanka iyo ciidamada kamaandoosta ah, ee ay tababartay dawladda Maraykanku.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo ka qayb galay dood ka socotay telefishan maxalli ah ayaa sheegay in ciidamada milateriga iyo dadka deegaanku inay ku guulaysteen inay  Al-Shabaab ku jebiyaan bartamaha Soomaaliya, isaga oo tusaale u soo qaatay guulihii laga gaaray hawlgalladii ka dhacay gobollada Hiiraan iyo Galguduud.

Waxa uu xusay in illaa 40 deegaan oo ku yaalla gobolka Hiiraan iyo lix kale oo ka tirsan Galgaduud in lagu xoreeyay wax ka yar muddo saddex toddobaad, isagoo ku tilmaamay inay tahay shaqo aad u wacan oo la qabtay.