Xilli dagaalo u dhaxeeya Ciidamada dowlada iyo xoreynta deegaanka ee isku dhinac ah iyo Al-Shabaab uu ka socday deegaano ka tirsan gobalada dalka ayaa waxa ay dowlada soomaaliya ka hadashay kacdoonka shacabka ee la xiriira dagaalka lagula Jiro Al-Shabaab.
Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Xukumada Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo ka hadlayay dagaalka lagula jiro Al-Shabaab ayaa waxa uu markii ugu horeysay daaha ka qaaday sida uu ku bilaawday dagaalka iyo kacdoonka beelaha soomaliyeed.
Waxa uu sheegay in abaabulka dagaalka ay la haayeen dowlada Soomaaliya iyo maamulka Hir-Shabeele oo uu ugu horeeyo gudoomiyaha gobalka Hiiraaan ayna shacabka degan gobalka Hiiraan garab ku siiyeen ciidamada dowlada sidii Al-Shabaab looga xoreyn lahaa dalka sidaaasina uu kacdoonka shacabka iyo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab uu ku bilaawday kun laba jibaarmay.
Sidoo kale Axmed Macali Fiqi Wasiiirka Wasaarada Arimaha Gudaha ayaa ka hadlay Ciidamada ku maqan dalka Eriteriya iyo waxa dowladda kaga qorsheysan waxa uuna sheegay in ciidamadasi dhawaan dalka lagu soo celin doono si ay qeyb kaga qaataaan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab ee haatan ka socda koonfurta iyo bartamaha dalka.
Hadalka wasiirka Arimaha Gudaha ayaa waxa uu imaanayaa xili maalmahaaan dagaalo xoogan oo lagula jiro Al-Shabaab ka socdaan qeybo ka mida dalka ayna sidoo kale jirtay hadal heyn la xiriirta Ciidamada ku maqan dalka Eriteriya xilliga dalka lagu soo celin doono maadaama Horay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u sheegay in Ciidam