Qaraxa oo jugiisa laga maqlay degmooyinka Wadajir iyo Dharkeenleey ee Gobolkan Banaadir ayaa waxaa uu Maanta ka dhacay mid kamid ah Albaabada laga galo Dugsiga Tababarka Janeraal Dhegabadan ee Warshada Nacnaca.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa uu isku qarxiyay Albaabka laga galo Warshada Nacnaca kan soo xiga dhinaca Kaamka Badbaado ee Xaafada Tarashuush ee degmada Wadajir, halkaas oo ay ku sugnaayeen Dhalinyaro doonayay inay kamid noqdan Ciidamada dowladda Soomaaliya.
Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in qaraxa ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen dad u badan Dhalinyaro isku diyaarinayay in loo qoro Ciidamada xoogga dalka , kuwaas oo lagu baarayay Irida laga galo Warshada Nacnaca.